Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland ee ka howlgalla Gobolka Sanaag ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dilay degaanka Yubbe oo hoostaga Magaalada Ceerigaabo Wiil Dhalinyaro ah oo dadka deegaanka ka mid ahaa.
Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Saciid Cabdi ayuu dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay askariga sidaasina uu isla goobta ugu geeriyooday.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in askariga uu dilo Wiilka dhalinyarada ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhexgalay sidaasina lagu dilay Wiilka Dhalinyarada ahaa.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somaliland ee ku sugan degaanka Yubbe ayaa waxaay gacanta ku dhigeen askariga dilka geystay oo isku dayay inuu goobta ka baxsado.
Dilalka ay Ciidamada u geeysanayaan Dhalinyarada ayaa bilihii danbe laga soo tabinayay degaannada Somaliland, waxaana dhowr jeer ay ka dhaceen magaalooyinka laas-Caanood iyo Burco, hayeeshee waxaa la xiray askartii dilalkaas geysatay.