Dowlada Soomaaliya oo Kuwait ugu baaqday inay Maalgashi ka Samayso Soomaaliya

0
313

Wasiirka wasaarad Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa kula kulmay dalka Kuwait madaxda fulinta, agaasimayaasha guud iyo mas’uuliyiinta sare ee hey’adaha maalgashiga iyo kuwa horumarinta dalkaasi wuxuuna kala hadlay sidii ay Soomaaliya uga hirgelin lahaayeen mashaariic horumarineed iyo maalgashiyo kala duwan.
Wasiirka arimaah dibada Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Maamulka Sanduuqa Carbeed ee Horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada, Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carbeed iyo Siihayaha Maamulka Hey’adda guud ee Maalgashiga, wuxuuna ku booriyay inay maalgeshi ku sameeyaan Soomaaliya, una soo diraan shirkadaha waaweyn ee Kuwait dhinaca maalgashiga si ay uga hirgeliyaan dalka Soomaaliya mashaariicd horumarineed oo bulshada labada dhinac faa’iidooyin u leh.
Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan dihan oo hodan ku ah kalluunka, macdanta, shidaalka, xoolaha iyo dhul ku haboon beerashada, ayna u furan tahay maalgashi shisheeye dhammaan qaybahaan oo leh iskaashi wax-ku-ool ah, oo ay ku jiraan warshadaha, korontada biyaha laga dhaliyo iyo guryaha deegaanka ah ee hantida ma guurtada ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay doonaysaa inay xiriir iskaashi la yeelato hey’adaha maalgashiga iyo kuwa horumarinta ee dalka Kuwait si ay u noqdaan bah-wadaagta ugu muhiimsan Soomaaliya xagga horumarka iyo inay kaalin muuqata ka qaataan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya iyadoo la maalgelinayo mashaariicda horumarineed ee dowladda u leh mudnaanta koowaad.