Madaxweynaha dalka oo si adag uga hadlay ilaalinta xuduudda Kenya

0
465

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu shalay khudbad ka jeedinayay munaasabadda maalinta qaran ee halyeeyada wacad ku maray in maamulkiisa uunan marnaba ka gaabin doonin ilaalinta xuduudaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan la fududeysan karin hammigii halyeeyadii dalka ee ahaa in soodhinta dalka aan taako laga qaadan sidoo kalena lagu darsan.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ay go’aan ka soo saartay mudan dhanka badda ahaa oo u dhexeyay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in marar badan ay jireen xadgudubyo dhanka xuduudda ah oo lagu soo qaaday Kenya balse uu caddeynaya in aan arrintan marnaba gorgortan laga geli doonin sidaas awgeedna cidii iskudayda sida ku habboon looga falcelinaya.