Madaxweynaha dalka oo amray in la dhiso 10,000 oo fasal oo loogu talagalay manhajka CBC

0
395

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad qaran ka jeediyay munaasabadda xuska maalinka halyeeyada ee Mashujaa Day ayaa amar ku bixiyay in la dhiso in ka badan 10,000 oo fasallo cusub oo dheeraad ah guud ahaan dalka, oo loogu talagalay manhajka cusub ee waxbrashada ee loo yaqaano CBC gaar ahaan heerka fasallada 1-aad iyo 2-aad ee dugsiga sare.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in fasalladaan cusub ee ay dhisi doonaan qandaraasleyda maxalliga ah.
Waxaa uu xusay in fasallada cusub ee la dhisi doono wax lagu bari doono arday gaareyso hal milyan oo haatan dhigta fasalka lixaad ee dugsiga hoose dhexe, kuwaas oo sanadka dambe ku biiri doono dugsiyada sare.
Madaxweynaha dalka ayaa faray wasaaradda waxbarashada dalka oo kaashanaysa dhiggeeda arrimaha gudaha iyo maaliyadda inay dejiyaan qaab dhismeedka fasallada dheeraadka ah ee loo baahan yahay si ay u helaan meel ay wax ku bartaan 1.1 malyan oo arday.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa dhanka kale faray wasaaradda maaliyadda inay baarlamaanka kala hadasho in dhaqaale dhan 8 bilyan oo shilin loo qoondeeyo qorshaha ay ardayda lagu billaabay manhajka cusub ee CBC ee dugsiyada hoose dhexe dhameynaya sanadka dambe ay boqolkiiba boqol ugu gudbayaan dugsiyada sare.
In badan 8.1 milyan oo arday ah ayaa ku biiray dugsiyada tan iyo markii la dhaqangeliyay nidaamkan cusub ee tacliinta iyadoo uu madaxweynaha dalka sheegay in si joogto ah loo sii ballaarin doono.
Hannaanka cusub ee waxbarashada ee 2-6-3-3 ayaa la daahfuray sanadkii 2017-kii si loogu beddelo manjahkii hore ee 8-4-4.
Ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ayaa ah in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha.