Waaxda badbaadinta bulshada oo lagu wareejiyay wasaaradda adeegga dadweynaha

0
302

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha ee dalka Simon Chelugui ayaa waaxda qaabilsan badbaadinta bulshada si rasmi ah ugu wareejiyay wasiiradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda , waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah Prof. Margaret Kobia.
Tani ayaa timid ka dib isbeddel uu horay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu sameeyay shaqooyinka qaar ka mid ah wasaaradaha maamulkiisa.
Wasiir Kobia ayaa wasaaradda shaqaalaha uga mahadcelisay kaalinta ay ka qaadato hirgelinta qorshaha horumarineed.
Waxay dhammaan waaxyaha dowladda ugu baaqday inay ka wada shaqeyaan sidii adeegyada loo fidiyo shacabka ay u noqon lahayeen kuwo wax ku ool oo tayo leh.