Khudbad jeedinta musharrixiinta aqalka sare ee Jubbaland ee dhinnaa oo maanta ka dhaceyso Kismaayo

0
350

Waxaa lagu wadaa in gelinka hore ee maanta in golaha wakiillada maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ay dhageystaan khudbadaha musharrixiinta Aqalka Sare ee dhinnaa, islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Musharrixiinta khudbadahooda Maanta jeedin doona waxay gaarayaan ilaa 8 Xubnood, kuwaasoo ku tartami doona Afarta Kursi oo Jubbaland uga harsan 8 kursi ee ay ku leeyihiin Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Musharrixiinta Aqalka Sare ee Maanta khudbadaha ka hor jeedin doono Baarlamaanka Jubbaland oo 5 kamid ah ay Dumar yihiin ayaa waxaa Magacyadooda kala yihiin.
1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh oo hal kursi ku loolamaya
2:Ibrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi oo ayaguna kursiga labaad ku tartamaya
3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar waxayna musharraxiin u yihiin hal kursi
Halka kursiga 4-aad ay ku tartamayaan Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali.
Berri ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland si intaaas ka dib uu maamulkaasi u gudagalo doorashada xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab uu ka dhacay degaanka Baarka oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab sida la sheegay ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ee degaanka Baarka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in door ah socday sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya baahisay.
Dadka degaanka Baarka ayaa warbaahinta u sheegeen in rasaasta ay labada dhinac isweeydaar sanayeen qaar ka mid ah ay ku dhacaysay gudaha xaafadaha qaar ee degaankaasi.
Wararka ay warbaahinta Soomaaliya baahisay ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland halka mid kale uu ku dhaawacmay, kuwaasoo la geeyay Magaalada Kisnaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baarka ayaa sheegayaa in xaaladda ay tahay mid degan, balse Ciidamada Jubbaland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee soo weeraray.