Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudda dalka ee IEBC ayaa dadweynaha ku boorriyay in aynan sugin maalmaha ugu dambeeya ee is diiwaangelinta .
Diiwaangelinta codbixiyayaasha cusub ee soo billaabatay 4-tii bishan ayaa la soo gabagabeyn doonaa 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Agaasimaha IEBC ee diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo howlaha doorashooyinka Rasi Masudi ayaa walaac ka muujiyay in weli ay hooseyso tirada dadweynaha ee ilaa iyo hadda isu diiwaangeliyay ka qayb qaadashada codeynta guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shacabka ay u muuqdaan in aynan sidii hore niyad ugu hayn isdiiwaangelinta.
Sanadkii 2016-kii ayuu sheegay in guddiga IEBC uu muddo 30 cisho gudahood ah ku diiwaangeliyay 5 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.
Mr. Masudi ayaa xusay in ismaamullada qaar laga diiwaangeliyay tiro ka hooseyso boqolkiiba 10.
Mas’uulkan ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada la xiriirta in la kordhin doono mudadda diiwaangelinta isagoo cuskaday gaabad dhanka dhaqaalaha ah.
Dowlad deegaanada dadka iska diiwaangeliyay ay tiradoodu ka hooseyso boqolkiiba 10 waxaa ka mid ah Kiambu, Murang’a, Nyeri iyo Nyandarua .
Ismaamulka Garissa diiwaangelinta codbixiyayaasha cusub ayuu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudda dalka ee IEBC ku sheegay boqolkiiba 26 halka Mandera ay tahay boqolkiiba 28.