DHAGEYSO:Dad ka barakacay Guriceel oo wajahaya duruufo nololeed

0
660

Dadkii ka barakacay gudaha degmada guriceel ee u qaxay daafaha magaalada ayaa wajahaya xaalado kala duwan oo uu u keenay barakaca .
Xalay waxaa da’ay roob aad inta badan loogu diirsaday balse dhibaato gaarsiiya barakacayaasha.
Deegaanka salaxdhaab waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu barakacay waxaana guddoomiyaha deegaankaas uu ka digay in carruurta lagu fasaxo baliyada iyo berkadaha ku yaalla degmadaasi oo inta badan ay ka dhacaan kiisas dhimasho ah.
Xiddig Labaale ayaa idaacadda starfm u sheegay in xalay roobkii da’ay uu qooyey raashinkii ay wateen dadka deegaankaas ku barakacay isagoo ka codsaday hay’adaha in la caawiyo bulshada ku qaxday salaxdhaab.
Wariyaha Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud ayuu khadka taleefoonka ugu warramay