Madaxweynaha maamul goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe), ayaa soo gudbiyey liiska magacyada musharrixiinta, afartii kursi ee ku harsaneyd ee aqalka sare ee baarlaamaanka Soomaaliga ku matali lahaa maamul goboleedkaasi.
Doorashada xubnaha harsan ee aqalka sare, ayaa in mudda ah hakad ku jiray, iyadoo soo gudbintani ay qayb ka noqoneyso soo dhameystirka xubnihii ka dhinnaa gabagabeynta doorashada aqalka sare.
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa soo food saaray dib u dhacyo fara badan, iyadoo ugu dambeyntii ay dhawaan bilaabatay.
Marka la gabagabeeyo xulashada xubnaha aqalka sare, ayaa la filayaa in loo gudbo doorashada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Jubbaland oo soo gudbiyay musharraxiinta xubnaha aqalka sare ee ku harsanaa