Ra’yi uruurin cusub oo laga sameeyay gobolka bartamaha dalka ayaa tilmaamaysa in madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu haysto taageero siyaasadeed oo ah boqolkiiba 58.2 halka Raila Odinga taageeradiisu ay tahay 27.1 boqolkiiba.
Waxaa darasaadkan sameysay shirkadda Mizani Africa oo wareysatay dadweynaha ku nool 11 ismaamul.
Nambarka saddexaad waxaa soo galay hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo ay taageerayaan boqolkiiba 5.2 ee dadweynaha Mt. Kenya.
Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee sanadka 2022-ka ayaa bartamaha dalka ku leh taageero dhan 3.1 waxaana ku soo xiga madaxa xisbiga Wiper , Kalonzo Musyoka oo haysta boqolkiiba 2.5 .
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii cilmi baaris ay shirkadda Mizani Africa sameysay lagu ogaaday in William Ruto uu yahay musharraxa madaxweynenimo ee ugu horreeya dhanka taageerada wuxuuna xilligaasi haystay boqolkiiba 76 , Raila Odinga ( 5.4 ) halka Musalia Mudavadi ay labo sano ka hor taageeradiisa siyaasadeed ahayd boqolkiiba 1.2 .
Madaxa fulinta ee shirkadda Mizani Africa ,Haron Kiriba ayaa sheegay in maadaama musharraxiinta qaar ay dhawaan billaabeen ololahooda siyaasadeed ay suurtagal tahay in xaaladdu ay is beddesho.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ra’yi uruurintan la sameeyay intii u dhexeysay 1-dii ilaa 13-kii bishan Tobnaad.
Ilaa 5,000 oo qof oo qaar ka mid ah ay ku nool yihiin caasimadda dalka ee Nairobi ayaa ka qayb qaatay cilmi baaristan.
Waxay shirkadda Mizani Africa intaasi ku dartay in gobolka bartamaha uu kaalin wayn ka qaadan doono mustaqbalka dhanka hoggaanka ee Kenya maadaama ay ku nool yihiin codbixiyayaal tiro badan.
Sidoo kale darasaadka waxaa ku cad in xisbiga loogu jecel yahay gobolka bartamaha dalka ee yahay UDA wuxuuna haystaa boqolkiiba 61.7 oo taageero ah waxaa soo raaca ODM oo ay taageeraan boqolkiiba 22.4 .
Nambarka saddexaad ee taageerada shacabka Mt. Kenya ay u hayaan xisbiyada waxaa soo galay Jubilee boqolkiiba 10.2 ,ANC (2.0) halka Wiper lagu sheegay boqolkiiba 1.0.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta bartamaha dalka iyo maalqabeenada ay sheegeen inay taageeri doonaan madaxa xisbiga ODM Raila Odinga in kastoo uu taasi gaashaanka u daruuray William Ruto.
Ruto ayaa sheegay in mustaqbalka dalka aynan go’aamin karin shakhsiyaad dhowr qof ah .
Musharraxiinta madaxweynenimo ee sanadka 2022-ka ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay tagayay ismaamullada bartamaha dalka si ay taageero uga helaan codbixiyayaasha.