Shirakada isgaarsiinta Safaaricom ayaa shaacisay in dhamaan adeegayda M-PESA ay hakad gali donoon mudo saacado ah habeenka talaadada ee 19 bishaan sababo la xiriira dayactir lagu samaynayo jadwalka gudaha ee nidaamyada adeegaan.
Ogaysiiis ay shirkadu soo saartay isniinta maanta ah ayay ku sheegtay inay caqabadaan saamayn doonto dhamaan macaamiisha adeegyada lacagaha telefoonada la isugu gudbiyo ee bangiyada guur guura.
Shirkada isgaarsiinta dalka ee Safaricom ayaa intaas ku dartay in mudada uu dayactirkaan soconayo loo qorsheeyay loo qorsheeyay laga bilaabo habeenka talaadada 19 Oktoobar 19 Saacadu marka ay ku beegan tahay 11 59 daqiiqo ilaa arbacada 4: subaxnimo ee 20 Oktoobar.
Dhamaan adeegyada iyo iibsashada hawada la isugu gudbiyo ayaan macaamiisha shirkada u shaqayn doonin inta howsha dayactirka ah lagu guda jiro sida ay shirkadu sheegtay.
Safaaricom ayaa macaamiisheeda ka raaligalisay mudadaas yare e ay xanibaadi jirto waxayna sheegtay inay uga gooleedatahay sidii ay u fududayn lahayd dhamaan adeegayda kala duwan ee ay bulshada siiso.