Madaxweynaha dalka Malawi oo Kenya imaanaya

0
418

Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa lagu wadaa in berri uu soo gaaro wadanka, isagoona booqasho saddex cisho ah ku joogi doona Kenya.
Waxaa uu marti sharaf ka noqon doonaa munaasabadda maalinta halyeeyada ee Mashujaa day, islamarkanaa lagu qaban doono garoonka Wang’uru ee dowlad deegaanka Kirinyaga.
Maalinta qaran ee halyeeyada ayaa sanad kasta Kenya looga dabaal degaa 20-ka bisha Tobnaad oo ku beegan Arbacada soo socoto ee toddobaadkan.
Bayaan maanta ka soo baxay aqalka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in madaxweyne Chakwera ay socdaalkiisa Kenya ku wehelin doonto marawada koowaad ee dalka Malawi Monica Chakwera.
Maalinka Khamiista ayuu qorshuhu yahay in madaxweyne Lazarus Chakwera iyo wefdigiisa lagu martiqaado aqalka madaxtooyada si uu wadahadallo laba geesood ah ay u la yeeshaan madaxda dalka oo uu hoggaaminayo madaxweyne Uhuru kenyaatta.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa gaaray Sagana oo ka tirsan ismaamulka Nyeri si uu uga qaybgalo kulamo rasmi ah oo uu la qaadan doono madaxda ismaamulka Kirinyaga ka hor xafladda maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day oo lagu qaban doona dowlad deegaankaasi.