Eedeysanaha looga shakisan yahay dilka gabadh orodyahanad ahayd oo maxkamad lasoo taagay

0
482

Waxaa maanta maxkamad lasoo taagay eedeysanaha ugu muhiimsan ee looga shakisan yahay dilka gabadh orodyahanad Kenyaan ah oo lagu magacaabi jiray Agnes Jebet Tirop.
Ibrahim Rotich, oo xiriir kala dhexeeyay gabadha la dilay, horaan ay ugu soo guuleystay biladda bronze ee tartamada orodka ayaa eedeysanaha saaka ka soo hor muuqday garsooraha sare ee maxkamadda magaalada Iten Charles Kutwa ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Dacwad oogaha kiiskan oo lagu magacaabo Judith Ayuma ayaa dalbaday amar ah in eedeysanaha lagu sii hayo saldhigga booliska Eldoret muddo 20 cisho ah, taas oo loo ogolaaday.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in qofka la tuhunsan yahay in lagu sameeyo qiimayn dhanka caafimaadka dhimirka, si loo hubiyo inuu caafimaad qabo iyo in kale.
Waxaa markale kiiskan la soo hadal qaadi doonaa 9-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Meydka gabadha orodyahaanada ahayd oo ka qayb gashay orodka 5,000 ee mitir ee haweenka intii lagu guda jiray ciyaarihii Olombikada ee lagu qabtay dalka Japan ayaa maalinkii Arbacada ee toddoobaadkii hore laga helay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Iten ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet.
Gabadhaan ayaa labo mar ku guulaysatay bilado ka dib markii ay tartamo orod ah ka qayb gashay.