Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad.
Kulanka oo ka dhacay hooyga Madaxweynihii hore, ayaa diiradda lagu o saaray Arrimaha doorashooyinka dalkaasi.
Shariif Sheekh Axmad ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hoggaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya maamulkaasi, oo u dhacday si daahfuran.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan siyaasiyiinta Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.