Bas ay leedahay shirkadda Alpha ayaa lagu soo warramayaa inuu barqanimadii maanta shil ku galay meel u dhow degmada Nguni ee ismaamulka Kitui.
Baabuurka ayaa saaka ka soo baxay magaalada Garissa waxaa uuna ku soo wajahnaa caasimadda dalka ee Nairobi.
Shilka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro waxaana idaacadda Star FM faahfaahin ka siiyay Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey oo ka mid ah culimada Garissa oo qayb ka noqday gurmad dhaawaca lagu gaynayay isbitaalka wayn ee Mwingi.
Mowlid Maxamad Shuuriye ayuu khadka taleefoonka ugu warramay
Mid ka mid ah maamulka shirkadda basaska ee Alpha oo aan la xiriirnay si aan xaqiijin dheeraad ah uga helno ayaa ka gaabsaday inuu noo warramo.
Wixii faahfaahin oo qodobkan ku soo kordho wararka dambe ee idaacadda ayaad ku dhageysan doontaan.