Raila Odinga oo sheegay haddii la doorto inuu xallin doono khilafaadka xuduudda Garissa iyo Isiolo

0
408

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in hadii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto madaxtinimada wadanka uu xal u heli doono khilaafaadka ku soo noqnoqday xuduudda deegaanka Lagdera ee Garissa iyo ismaamulka dariska la ah ee Isiolo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay iyadoo ay caqabado sida abaarta jiraan in si nabad ah loo wada nolaado.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay muhimadda ay leedahay in la sugo amniga xuduudda ismaamullada dariska ah gaar ahaan kuwa xoolo dhaqatada oo marka ay daaqa iyo biyuhu yaradaan isku soo gudbo taasoo mararka qaar sababtay isku dhac.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay in marnaba aan loo dulqaadan karin dagaal dhex maro bulshooyinka dariska ah iyo hanti la burburiyo.
Dhanka kale waxaa uu dhallinyarada u ballanqaaday in hadii uu hoggaanka wadanka qabto ay heli doonaan boqolkiiba 30 ee qandaraasyada dowladda dhexe iyo ismaamullada.