Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ruushka ayaa markii ugu horreysay si maalinla ah u diiwaangelisay ugu yaraan 1,000 dhimasho ah oo uu sababay cudurka COVID19 tan iyo markii uu halkaasi ka dillaacay caabuqa corona.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu hakad galay tallaalkii ka dhanka ahaa cudurka iyadoo aynan jirin wax xayiraado ah.
Shalay ayay ahayd markii gudaha Ruushka laga xaqiijiyay in 1,002 qof oo hor leh ay u dhinteen xanuunka halka 33,208 dheeraad ah uu saameeyay.
Tirada dadka laga tallaalay caabuqa corona ee Ruushka ayaa hadda ah boqolkiiba 31.