Madaxweynaha dalka oo xariga ka jaray xaruntii ugu horreysay ee daryeelka xanuunka Kansarka ee bariga Afrika

0
336

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xariga ka jaray xaruntii ugu horreysay ee bariga Afrika ee daryeelka xanuunka Kansarka.
Adeeggaan ayaa laga heli karaa Isbitaalka tababarka Jaamacadda Kenyatta ee Ismaamulka Kiambu.
Xaruunta casriga ah ayaa waxaa lagu qalabeeyay qalabkii ugu dambeeyay si bukaannada u helaan daryeelka caafimadka xanuunka Kansarka.
Waxaa uu barnaamijkan qayb ka yahay dadaallada dowladda dhexe si loo heelo adeeg caafimaad oo dhameystrian, taasi oo ah tiir ka mid ah ajendooyinka 4-ta ah ee xukuumadda u ballanqaaday shacabka.
Xilli ka hadlay xafladii furitaanka ayaa madaxweynaha dalka uu sheegay in dowladda ay ku maalgelisay qaybta baaritaanka iyo daaweynta taasi oo lagaga jawaabayo xaaladaha dhimashada la xiiriirta xanuunka Kansarka dalka ee sii kordhaya.
Waxa uu sheegay in caqabadda ugu wayn ee maareynta cudurka Kansarka Kenya ay tahay xaruumo caafimaad oo aan ku filnayn si loo hubiyo xanuunka xilli hore, caqabaddaana ay xarutan caafimaad xallin doonto.
Madaxweynaha dalka oo ay wahlineysay marwada 1-aad Margaret Kenyatta, ayaa sheegay in xaruntan cusub ee daryeelka Kansarka oo leh 100 qof goob ay seexdaan ayaa Kenya u badbaadin doonta 10 bilyan oo shilin taasi oo lagu bixiyo daaweynta Kansarka dalalka dibadda sanadkiiba.
Guddomiyaha Ismaamulka Kiambu James Nyoro, dhigiisa Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o iyo wakiilka haweenka ee Ismamulka Murang’a Sabina Chege ayaa ka mid ahaayeen hoggamiyeyaasha ka qayb galay munnaasabadda.