Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay saldhigga booliska ee Beledweyne

0
466

Qarax ayaa ka dhacay saldhiga booliska ee magaalada Beledweyne.
Hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay qarax labo kalena wey dhaawacmeen sida laga soo xiganay sarkaal ka tirsan booliska Beledweyne.
Qaraxa ayaa la dhigay maqaayad yar oo ku taalla gudaha saldhigga.
Ugu yaraan ilaa iyo hadda labada qof ayaa ku dhawacmay oo uu ka mid yahay taliyihii saldhiga inkastoo dhaawiciisu uu yahay mid fudud.
Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ahaa Duqii deegaanka Feer Feer Khaliif Garad Rooble sidoo kale waxaa ku dhaawacmay guddoomiyihii Feer Feer Mahad Beeyle.