Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay sababta ay u soo masaafuriyeen boqolaal qof oo Soomaaliyeed kuwaasoo mudo dheer ku noolaa magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool oo horaantii bishaan ay halkaas Soomaaliland ka soo raaftay.
wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland wuxuu sheegay inay talaabadaan ahaydn go’aan dowladeed oo amaanka lagu sugayo dadka deegaanka ee reer laasacaanoodna ay codsadeen in dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya laga Saaro isagoo sidoo kale ugu danbayntii sheegay inaysan wax faragalin ah ku samayn hantidii dadkaas la soo raafay ay laasacaanood uga soo tageen.