India oo qaabilaysa dalxiisayaasha shisheeye ka dib 19 bilood

0
493

Dowladda India ayaa ugu dambeyn meesha ka saartay xayiraad dhanka isku socodka ah oo jirtay 19 bilood taasoo saameysay dalxiisayaasha wadamada kale.
Waxaa laga billaabo 15-ka bisha 11-aad ee sanadkan dalkaasi geli karo dalxiisayaasha si buuxda looga tallaalay cudurka COVID19.
Hasa ahaate weli ma cadda in dadkani ay mari doonaan karantiil iyo in kale .
Waxaa laga doonaya in tallaalka ay qaateen sidoo kalena cudurka laga waayay 72 saacadood gudahood inta aynan soo safrin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xaaladaha maalinlaha ee caabuqa corona ee India ay ka yaradeen 20,000 .
Dowladda India waxay sheegtay inay adeegsatay in ka badan 970 milyan oo ah daawooyinka tallaalka.
Ku dhawaad boqolkiiba 70 ee dadka waawayn ee India ayaa qaatay ugu yaraan hal kuuro oo ah tallaalka.