Ururka LSK oo ku eedeeyay waaxda DCI-da inay faragelin ku hayso howlaha dacwad soo oogidda

0
459

Ururka qareenada dalka ee LSK ayaa ku eedeeyay agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da inuu faragelin ku hayo howlaha waaxda dacwad soo oogidda ee ku aaddan kiiska dilka ee maalqabeen u dhashay dalka Netherlands ee lagu magacaabi jiray Tob Cohen.
Bayaan uu ururkan soo saaray ayuu ku sheegay in khilaafka u dhexeeya labada waaxood ee la xiriira awoodda billaabidda dambiyada uu faraha ka baxay.
Hoggaamiyaha ururka qareenada dalka, Nelson Havi ayaa sheegay in waaxda dambi baarista ay ka go’an tahay inay xirto garsoore Sankale Ole Kantai islamarkaana ay maxkamad soo taagto.
Bishii hore ayay ahayd markii ku xigeenka sare ee taliyaha guud ee booliska dalka oo uu fadhigiisu yahay xarunta dhexe DCI-da uu ku eedeeyay waaxda dacwad soo oogidda dalka inay ka gaabisay in dacwad ku soo oogto garsooraha maxkamadda rafcaanka Sankale ole Kantai.
Mr. John Gachomo ayaa ku andacooday in garsooruhu si firfircoon leh uga qayb qaatay qorshaynta iyo dilka ganacsadaha u dhashay wadanka Netherlands ee Tob Cohen.
Xafiiska waaxda DCI-da ayaa dhanka kale ku eedeeyay wakiillada iyo saraakiisha xafiiska dacwad soo oogidda inay isku dayeen inay si sharci -darro ah oo aan dastuuri ahayn u joojiyaan baaritaan la doonayay in dacwad lagu soo oogo garsooraha.
“Waaxda dacwad soo oogidda dalka waxay kaliya joojin kartaa dacwadaha dambiyada ee xafiiskiisu soo saaray ee ma aha baaritaanno dambiyeed oo ay fulinayso DCI-da si ay waajibaadkeeda dastuuriga ah u gudato” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda DCI-da,
Waaxda dacwad soo oogidda ayaa dhankeeda ku doodeysa in aysan waligeed la soo xiriirin DCI-da taasoo muujineysa cadaymaha ka maqan galka baaritaanka ee loo soo gudbiyey si garsooraha loo maxkamadeeyo.