Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegayA inay Maanta xiran yihiin qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga ee ku yaalLA degmada Guriceel halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay xiisadDa ka taaganayd.
Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in sababta ay u xireen Goobahooda Ganacsiga ay tahay cabsi laga qabo in degmada Guriceel ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada Ahlusunna ee dhawaan la wareegay degmada Guriceel.
Sawirro laga soo qaaday Goobaha Ganacsiga degmada Guriceel ayaa muujinaya inta badan bakhaarada oo xiran, isla markaana dadweynaha ay si teel teel ah waddooyinka Magaalada u marayaan.
Ciidamada Ahlusunna ayaa la soo sheegayaa inay difaacyo ka sameysteen gudaha iyo banaanka degmada Guriceel, maadaama ay jirto cabsi laga qabo weerar kaga yimaada dhanka Dhuusamareeb.
Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ka barakacayay dadkii ugu badnaa, kuwaasoo haatan barakac ku ah degaano hoostaga degmada Guriceel.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada duleedka degmada Guriceel.