In ka badan 30 qof oo ku dhimatay masjid lagu qarxiyay Afghanistan

0
473

Waxaa duhurnimada maanta qarax lala eegtay masjidka Bibi Fatima oo ku yaalla magaalada koonfureed ee Kandahar ee dalka Afghanistan sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay qaraxday bambo la dhex geliyay masjidka.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 32 qof halka 45 kale ay dhaawacmeen.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa toddobaad ka dib markii dhowr qof lagu dilay halka in ka badan 100 kalena lagu dhaawacay qarax laga gaystay masjid ku yaalla gobolka waqooyi ee Kunduz.
Maamulka kooxda Taalibaan ayaa ballanqaaday falcelin degdeg ah iyo in gacanta lagu soo dhigo dadkii weerarkaasi fuliyay.