Kenyanka ayaa markale farxad laga dareemaya ka dib markii hoos loo dhigay qiimaha shidaalka oo uu sidaasi sameyay Maamulka maareynta shidalka EPRA .
Qiimaha shidalka ayaa hoos u dhacay 5 shilin laga bilaabo caawo saqda dhexe.Tani ayaa u muuqaata mid Kenyanka ka fududeyneyso qiimaha saree e nolosha.
Qiimaha shidalka ee hoos loo dhigay, Litirka Batroolka ayaa Nairobi lagu iibin doona 129.72 halka uu horaan u ahaa 134.72 halka naaftadana lagu iibin doono 110.60.
Qiimaha cusub ee shidalka ayaa dadka Mombasa waxay bixin doonaan 127.46 litirak batroolka, 108.36 litirka naaftada. Kuwa Kisumu 130.12 iyo 111.3.
Magalada Nakuru 129.24 ayay ku iibsan doonaan batroolka, 110.43 waxay ku iibsan doonaan naaftada.
Tani ayaa ku soo aadeysa xili ay xildhibaanada aqalka baarlamanka ay soo jeediyeen isbadelo dhowr ah eek u saabsan cnashirta shidaalka taaso oo ka dhigeyso qiimaha shidalka inuu aad hoos ugu soo dhaco hadii la dheqan galiyo.
Sharci dejiyaasha ayaa maanta oo Khamis ah bilaabay inay ka doodaan warbixinta guddiga maaliyadda iyo qorshaynta oo kaga qoslin karta shacabka marka laga hadlaayo qiimaha shidalka.