Madaxweynaha dalka oo maanta la kulmaya dhiggiisa Maraykanka

0
387

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta kulan la qaadanaya dhiggiisa Maraykanka Joe Biden.
Shirka oo ka dhacaya aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa diiradda lagu saari doonaa danaha ay labada wadan wadagaan.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Kenyatta iyo Biden ay ka wada hadli doonaan qodobbo ay ka mid yihiin amniga , dardargelinta iskaashiga ku saabsan kobcinta dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Waxaa bayaanka Kanze ku cad in shirkan uu yahay mid daba socdo xiriir dhanka taleefoonka oo ay horay u yeesheen labada mas’uul bishii labaad ee sanadkan.
Kenyatta iyo Biden ayaa sidoo kale ka wada hadli doono baahida loo qabo inay jirto daahfurnaan iyo isla xisaabtan la xiriira nidaamyada maaliyadeed ee maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale hoggaamiyaasha Kenya iyo Maraykanka ayaa eegi doono dadaallada lagu difaacayo dimuqraadiyadda iyo xuquuqul aadanaha.
Madaxweyne Kenyatta ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Afrika ee uu Joe Biden ku qaabilo aqalka cad tan iyo markii uu hoggaanka Maraykanka la wareegay .
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dhaqdhaqaaqa ganacsiga u dhexeya Kenya iyo Maraykanka qiimihiisu lagu sheegay 1.1 bilyan oo doolar.