Soomaaliya oo loo soo jeediyay inay doorashooyinka dhamaystiraan

0
399

Dawladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dadajinta arrimaha doorashooyinka & xalinta khilaafka dhexdooda kahor dhammaadka sannadkan maadaama ay muhiim u tahay geedi socodka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Kulan gaar ah oo Magaalada Washinton ay ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya & Madaxda Mareykanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ku saabsan Amniga & doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo sigaar ah uga hadlay ka gudbida caqabadaha hortaagan dhameystirka doorashada Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa loogu sheegay in Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble laga doonayo inay dadajiyaan doorashooyinka, ayna xaliyaan khilaafkooda kahor dhammaadka sannadkan 2021.
Dowladda Mareykanka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayaay waraku sheegayaan inay wadaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa doorashooyinka Soomaaliya ee billowday walow ay weli jiraan caqabado dhowr ah oo hortaagan.