DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay guddiga ka qaybgalay kiiskii badda

0
317

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay wAfdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda ICJ ayaa ku bogaadiyay shaqadii ay Qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed dhankooda uga mahadceliyay kaalinta ay ku lahaayeen guusha la gaadhay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray Eng, Saalaxi oo door weyn ku lahaa kiiska dacwadda baddeenna, isagoo Alle uga baryay inuu Janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo sidoo kalena u mahadceliyay Muna Sharmaan oo iyana bilowga kiiskan qeyb libaax leh ka qaadatay.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Qadar iyo xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Suleymaan Maxamed Muxmuud ayaa si guud wuxuu ra’isulwasaaraha faahfaahin uga siiyay qaabkii iyo marxaladihii loo soo maray.