Booliska Kosovo iyo dad rayid ahaa oo isku dhacay

0
467

Dhowr sarkaal oo ka tirsan booliska Kosovo iyo dad rayid ah oo u dhashay Serb ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo intii lagu guda jiray hawlgallo lagu qaaday dad looga shakisan yahay inay wax sharci daro ah tahriibinayeen.
Booliiska Kosovo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in askartu ay iska caabin kala kulmeen dadkii soo weeraray kuwaas oo ku nool gobolka Mitrovica, oo ku taal waqooyiga,dalka Kosovo.
Booliska ayaa xilika ay weerarka la kulmayeen ku guda jiray hawlgal ka dhan ah la dagaalanka daroogada sharci darada ah.