Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Cilmi baaris lagu ogaaday in boqolkiiba 70 ee dhallinyarada aynan taageersanayn aftida...

Cilmi baaris lagu ogaaday in boqolkiiba 70 ee dhallinyarada aynan taageersanayn aftida BBI


Darasaad cusub oo ay sameysay hay’adda (ELF) ayaa laga soo saaray warbixin tilmaamaysa in boqolkiiba 70 ee dhallinyarada ay maya ku codeynayaan hadii maanta la qabto aftida la doonayo in wax looga beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka wadanka.
Boqolkiiba 30 ayaa sheegay in ay codkooda ku taageerayaan qorshahan.
Waxyaabaha lagu ogaaday darasaadka waxaa ka mid ah in boqolkiiba 40 ee dhallinyarada wiilasha ah aynan la dhacsanayn geeddisocodka sharci beddelka ee BBI halka gabdhaha da’yarta ah tiradan ay tahay boqolkiiba 30 .
Hay’adda ayaa hoosta ka xarriiqday in boqolkiiba 70 dadka ka qayb qaatay darasaadkan ay go’aankooda ku aaddan BBI ku saleyeen in aynan si shakhsi ah fursad ugu helin inay afkaartooda ka dhiibtaan arrimaha BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments