Xaalad naadir ah oo ka dhigaysa gabadh 16-jir ah inay u ekaato Ayeeyo

0
659

Raizel Calago waa 16-jir kaliya, laakiin ma malaynaysid inaad iyada uun eegto. Waxay la il daran tahay xaalad dhif ah oo loo yaqaanno progeria taasoo ka dhigaysa inay u ekaato afar jeer da’deeda.
Laba sanno oo kaliya, Raizel Calago waxay ahayd gabar yar oo qurux badan oo ka qeyb gasha tartamada quruxda, balse waxay isku bedashay haweeney da ’ah oo dad badani ku qaldaan ayeeyo.
Gabdha oo u dhalatay Filibiin ayaa sheegtay inay ogaatay in uu lalaabmay maqaarkeeda maalmo uun ka dib markii finan ka soo baxeen jirkeeda oo dhan.
Baro guduudan oo cuncun leh sido kalena xanuun badan ayaa ka muuqday jirkeeda, markii ay baaritaan u tagtayna waxaa loo sheegay inay ka dhasheen cayayaan.
Waxaa la siiyay daawo, laakiin taasi ma caawin, durbadiiba waxay bilowday inay dareento isbeddel xagga muuqaalkeeda ah. Hadda, way adag tahay in la aamino inay tahay 16-jir…
“Waa xanuun marka ay ii sheegaan in gabadhaydu ay u muuqato mid aniga iga weyn. Mararka qaarkood, waxaan u maleeyaa iyada markay weynaato oo aan arko sida ay u qurux badnaan karto, ”ayay tiri hooyada Raizel, Joela (36),. “Way qurux badnayd tan iyo markii ay yarayd laakiin hadda, wejigeeda, aad bay uga fog tahay quruxdeeda markii ay yarayd.”
Tan iyo markii muuqaalkeedu is-beddelay, gabadha 16-jirka ah ayaa aad uga xishoon jirtay inay saaxiibbadeed la damaashaado sidii ay ahaan jirtay. Waxa kale oo ay ka fogaataa in ay dibadda u baxdo iyada oo aan maaskaro daboolin inta badan wejigeeda, waayo waxa ay ka xishootaa sida ay u egtahay. Waxa kaliya oo ay rabto waa in arrimuhu dib ugu noqdaan sidii ay ahaan jireen laba sano ka hor.
Raizel Calago ayaa dhowaan lagu soo bandhigay showga caanka ah ee TV ee “Kapuso Mo, Jessica Soho” loona geeyay dhakhtar ku takhasusay cilmiga hoormonada, oo markii ugu horraysay la ogaaday inay qabto cudurka progeria. Xaaladdan oo ah dhif iyo naadir waxay keentaa laalaabkii ama gabowga maqaarka iyo koritaanka oo yaraada waxayna kordhisaa halista ah inaad la kulanto wadno -qabad, wadne -istaag, iyo istaroog.