Taliyaha Qeybta 27-aad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeral Axmad Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa been abuur ku tilmaamay in ciidan qaybtooda ka tirsan ay ka qaybgalin dagaal ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Shir jara’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayuu sheegay in Ciidanka qeybta 27-aad aysan ka Shaqeyn magalada Muqdisho ayna ka howlgallaan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay deegaano ka mid ah dagaalo culus kula galayaan Al-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay inay jiraan rag hubeysan oo wata Gaadiidka & dharka Ciidamada Millateriga oo dhibaato ku haya Shacabka magaalada Muqdisho & degaannada ku xeeran.
Ugu dambeyn Taliye Tareedisho ayaa waxaa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in Magaalada Muqdisho uu ka saaro Ciidamada Gadiidkooda & hubka ku dehx-wata.
Hadalka taliyaha qaybta 27-aad ayaa imanaya ka dib markii Laba maalin ka hor ay duleedka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dagaalameen Ciidamo dharka Millateriga Soomaaliya watay kuwaasoo la sheegay inay kala taabacsanaayeen labo Sarkaal oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.