Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in aan la beddeli doonin heshiiskii nukliyeerka

Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in aan la beddeli doonin heshiiskii nukliyeerka

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in aan isbeddel lagu sameyn doonin qodobbadii qaybta ka ahaa heshiiskii nukliyeerka ee sanadkii 2015-kii.
Xukuumadda Tehraan ayaa xilligaas heshiiskan la saxiixatay qaar ka mid ah wadamada ugu awoodda badan caalamka.
Waxaa uu Xasan Ruuxaani gaashaanka u daruuray soo jeedino ah in la ballaariyo shuruudaha oo heshiiskan lagu soo daro wadamada gobolka.
Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda ku baaqday in kaalin laga siiyo wada-hallada dambe ee ku saabsan is-afgaradkan.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa horay u carrabaabay in xukuumadda Washington ay heshiiskan dib ugu laaban doonto maadaama uu horay kaga saaray Donald Trump oo Iiraan ku eedeyay in aynan daacad ka ahayn barnaamijkeeda nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments