Waddamada G20 oo u gargaaraya Afghanistan

0
575

Dalladda ay ku mideysan yihiin 20-ka waddan ee caalamka ugu dhaqaalaha wanaagsan ee loo yaqaano (G20) ayaa sheegtay in gargaar loo fidinayo shacabka dalka Afghanistan si looga hor tago xaalad baniaadanimo oo faro ka bax ah.
Tallaabooyinka la qaadaya waxaa ka mid ah in xita haddii ay dantu keento la isku dubaridaya dadaallada iyadoo la kaashanaya kooxda Taalibaan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ka dib kulan degdeg ah oo ay madaxdu yeesheen.
Midowga Yurub ayaa ballanqaaday taageero dhan hal bilyan oo yuuro una dhiganta 1.2 bilyan oo doolar si loola tacaalo xaaladaha baniaadanimo ee ka jiro Afghanistan iyo wadamada dariska la ah