DHAGEYSO:Xasan Sheekh oo faahfaahin ka bixiyay marxaaladihii ay soo martay arrinta badda

0
281

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qayb galay xaflad weyn oo Muqdisho lagu qabtay looguna dabaal dagayay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay ka midaysnaayeen arrinta kiiska Badda.
Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay cidkasta oo qayb ka noqotay intii ay dacwadu socotay.

Dacwaddan ayaa soo bilaabatey sanadkii 2009-kii, iyadoo kiiska dacwadda la horgeeyey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda sanaddii 2014-kii.
Markaa kadib, waxaa la dhageystay dhinacyada ay dacwaddu u dhaxeyso ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay soo martay dhageysiga dacwadda heerar kala duwan.