Golaha midowga musharraxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay welwel iyo walaac xoog leh ka qabaan dib u dhaca doorashada taas oo ay sheegeen inay sababtay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan.
Midowga musharraxiinta ayaa isla qoraalka ay soo saareen ku yiri “Goluhu wuxuu ka xun yahay in tiro saddax jeer ah dib looga dhacay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyey, iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca”
“Goluhu wuxuu dareensiinayaa Golaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey”