29-kii bishii Lixaad ee sanadkan ayaa Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka Soomaaliya waxaay soo saareen Jadwal doorasho oo ka dhashay heshiiskii 27-kii bishii May ay ku gaareen Magaalada Muqdisho , kaasoo ugu dambeyn Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 10-ka Octoober loo asteeyay inay dhacdo doorashada ugu dambeysa ee Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, balse jadwalkaas Ayaan gabi ahaanba shaqayn waxaana ku yimid dib u dhac weyn.
Dhowr jeer ayay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, iyadoo ay dbaqan geli waayeen Jadwalo doorasho oo ay soo saareen Golaha wadatashiga qaran iyo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya MaxamAd Xasan Cirro ayaa sheegay in jadwalka doorashada farsamo ahaan ay lahaayeen Golaha wadatashiga Qaran, balse ka guddi ahaan ay doorashada qabsoomideeda u qorseeheyeen muddo 50 cisho gudahooda inay ku dhacdo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in sababta ay doorashada dib ugu dhacday ay tahay arrimo farsamooyin yar yar ,sidoo kalena ay jiraan caqabado ,kuwaasoo uu sheegay in laga gudbi doono si ay u qabsoonto doorashada guud ee wadanka Soomaaliya.
Tiro dhowr jeer ah ayay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, waxaana jiro eedaymo ay dhinacyada hoggaanka Soomaaliya isku eedaynayaan oo ku aadan inay marba cid mas’uul ka tahay dib u dhacyada badan ee doorashooyinka Soomaaliya saameeyay.