Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay inuu dadka jilicsan ee ka midka ahaa dadkii dhawaan laga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood uu diyaarado uga qaado magaalada Gaalkacyo.
21-qoys oo ka kooban 78 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa maanta loo dhoofiyay magaalada Baydhaba halkaas oo dowladda Koonfur Galbeed ay sheegtay in loogu diyaariyay hoy iyo waxa ay cuni lahaayeenba.
Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in duulimaadyada dadka jilicsan lagu qaadayo ay sii socon doonaan illaa dadka jilicsan ee doonaya in la geeyo Baydhabo ka idlaanayaan, hasayeeshee waxaa jira dad go’aansaday inay sii daganaadaan magaalada Gaalkacyo iyo qaar gudaha u sii galay Puntland.
Home Wararka Soomaaliya Koonfur Galbeed oo bilowday inay diyaarado uga qaado Gaalkacyo dadkii laga soo...




