Dad ku dhaawacmay weerar ka dhacay magaalada Jazan ee Sacuudi Carabiya

0
390

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Jazan ee dalka Sacuudi Carabiya, oo u dhow xadka wadanka Yemen.
Wakaalladda wararka ee Sacuudiga (SPA) ayaa sheegtay in weeraradii xalay dhacay lala beegsaday garoonka diyaaradaha King Abdullah.
Lix qof oo Sacuudiyaan ah, saddex u dhalatay Bangladesh iyo hal Suudaan ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka loo adeegsaday diyaarada nooca ana duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones.