Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 12 arday ah oo lagu xiray Kakamega

12 arday ah oo lagu xiray Kakamega

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Kakamega ayaa gacanta ku dhigtay 12 arday ah oo dhigta dugsiga sare ee wiilasha ee Ingotse.
Ardaydan oo lagu eedeyay in ay isku dayeen inay dab qabadsiiyaan xaruntaas ayaa saldhigga booliska lagu hayn doonaa 14 cisho.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ardaydan la qabtay iyagoo sita nooca shidaalka ee loo yaqaano batroolka.
Ciidamada ammaanka ayaa ku eedeyay in ay qorsheynayeen inay dugsiga ay wax ka bartaan gubaan.
Waxaa la soo taagay maxkamadda Kakamega iyadoo dacwadda lagu soo oogay uu dhageystay garsoore sare Erick Malesi.
Dacwadda ay ardaydan wajahayaan ayay mar kale maxkamaddu soo hadal qaadi doontaa 15-ka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments