Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga EACC oo dib u helay in ka badan 25 bilyan oo...

Guddiga EACC oo dib u helay in ka badan 25 bilyan oo la dhacay

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inuu soo celiyay hanti ah ugu yaraan 25 bilyan oo shilin oo horay loo musuqmaasuqay.
Waxaa uu guddigu shaaca ka qaaday in saddexdii sano ee ugu dambeysay uu horumar wax ku ool ah ka gaaray la dagaalanka falalka wax isdaba marinta.
Warbaahinta dowladda ee KBC oo soo xiganaysa Dr. Dabbar Macallin oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee EACC ayaa qortay in dhaqaalaha gacanta lagu dhigay uu yahay 26.5 bilyan oo shilin.
Guddigan ayaa sidoo kale sheegay in uu ka hor tagay qorshayaal la doonayay in lagu lunsado hanti dhan 135.9 bilyan oo shilin ka dib markii la carqaladeeyay falal musuqmaasuq.
Sidoo kale waxaa la maxkamadeeyay oo inay musuqmaasuqa sameyeen lagu caddeeyay 293 qof.
Dr. Dabbar Maalim ayaa dhanka kale xusay in ay xoojiyeen baaritaannada maaliyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments