Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobbo ay ka mid ahaayeen Xaaladda guud ee Amniga Galmudug iyo kordhinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa Sidoo kale shirka looga hadlay dardargelinta howlaha Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib Golaha wasiirada ayaa waxaa ay soo saareen qodobada soo socda.
1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Sugidda Amniga iyo xasiloonida Galmudug,
2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni darro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.
3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka iyadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso si ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan.
Kulankaan deg dega ahaa oo uu Madaxweynaha Galmudug la yeeshay Golihiisa Wasiirrada ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirkii Amniga Maamulkaas uu xilkii iska casilay, islamarkaana Galmudug ay wajaheyso Ururka Ahlusunna oo hubeysan lana wareegay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.