Maraykanka oo ku baaqay in dib loogu laabto wada hadalladii nukliyeerka Iiraan

0
397

Dowladda Maraykanka ayaa soo jeedisay in si degdeg ah loogu laabto miiska wada hadalka si ay u sii socdaan doodihii la xiriiray adeegsiga hubka nukliyeerka ee Iiraan oo uu hakad ku yimid.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay diyaar u tahay sidoo kalena awooddo inay wada hadallada qayb ka noqoto.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa shardi ka dhigay in oggolaansho laga helo dowladda Iiraan.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii xukuumadda Tehraan ay heshiis la gashay qaar ka mid ah wadamada ugu quwadda badan caalamka.
Waxaa xilligaasi Iiraan loo ballanqaaday in haddii ay wax ka bedesho barnaamijkeeda hubka nukliyeerka laga qaadaya cunaqabateynta saaran.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sanado ka hor iskaga baxay heshiiska isagoo Iiraan ku eedeyay inaynan ka go’nayn u hoggaansanka qodobbadii la isku afgartay.
Joe Biden oo hadda haya hoggaanka Maraykanka ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin in wada –xaajoodku uu sii socdo haddii dhanka Iiraan aynan caqabad kaga imaan doonin.