Khilaaf ka dhex jiro xisbiga ODM

0
423

Waxaa lagu soo warramayaa in muran dhanka hoggaanka ah uu ka dhex taagan yahay siyaasiyiinta xisbiga ODM gaar ahaan laantiisa ismaamulka Kisii.
Tani ayaa timid ka dib markii dhinacyo iska soo horjeeda oo xisbiga ka wada tirsan ay xafiisyo fureen.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Dagoretti ee ismaamulka Nairobi, Simba Arati oo daneynaya in sanadka soo socdo uu noqdo barasaabka Kisii ayaa furay 11 xafiis oo ay leedahay ODM.
Mas’uuliyiinta maxalliga sida guddoomiyaha dowlad deegaanka Kisii James Ongwae, wakiilka haweenka Janet Ong’era iyo senator Sam Ongera oo horay xafiisyo u furay ayuu khilaaf kala dhexeya xildhibaan Simba Arati.