Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inuu jiro qorsho lagu dhisaya fasallo dhan 20,000.
Tani ayaa qayb ka ah dadaalka ay dowladda dhexe ugu jirto xallinta caqabadaha dhanka kaabayaasha ee dugsiyada.
Wasiirka ayaa qorshahan shaaca ka qaaday xilli uu ka soo hormuuqday guddiga arrimaha waxbarashada ee baarlamaanka dalka.
Xubnaha guddigan oo ay hoggaaminayso wakiilka haweenka ee ismaamulka Busia Florence Mutua ayaa u yeeray Magoha si uu faahfaahin uga bixiyo sababta aynan dowladdu weli u xallin dhibaatooyinka la xiriira kaabayaasha ee ay ardaydu wajahayaan.
Tani iyo sanadkii 2018-kii oo la billaabay in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee dalka ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare ayaa waxaa la dareemayay ciriiri maadaama ay korortay tirada ardayda ee ku biiraya dugsiyada sare.
Wasiiir Magoha ayaa guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha tacliinta u sheegay in fasallada cusub la dhisi doono inta u dhexeysa bisha 12-aad ee sanadkan ilaa bisha afaraad ee sanadka 2022-ka.