DHAGEYSO:Maamulka wakaalada biyaha ee Garissa oo ka hadlay biyo la’aanta ka jirta xaafado ka mid ah magaladaasi

0
465

Madaxa dhanka maamulka ee wakaalada biyaha magaalada Garissa Mudane Yuusuf Maxamed Bare Sareeye ayaa khamiista maanta ah booqasho ku tagay xaafada Riig oo ka tirsan waaxda Galbet oo ay ku burqadeen biyo ka soo baxay xarunta lagu daaweeyo biyaha laga soo saaro wabiga Tani River ee loo yaqaan Treatmen Spenkom.
Mr Sareeye oo la kulmay odayaasha iyo haweenka ku nool xaafadaasi ayaa waxay kaga cowdeen arintaan iyadoo maamulka wakaalada gawasco uu ka raali galiyay arintaan ayna wadaan sidii xal looga gaari lahaa,sida uu Star FM u sharaxay cumar cabdulaahi nuur Panadol oo ah afhayeenka Gawasco.

Mr Cumar ayaa sidoo kale ka warbixiyay sababaha keenay biyo yarida ka jirta xaafadaha galbeet waxaana uu ku booriyay bulshada in dulqaad ay Muujiyaan oo ayna bixiyaan biilka Biyaha.