Dadkii laga musaafuriyay Laas-Caanood oo lagu soo dhaweeyay Beledweyne

0
564

Cali Jeyte Cismaan, guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa soo dhaweyn iyo dib-udajin u sameeyey dadkii Soomaaliyeed ee laga soo musaafuriyay magaalada Laas-Canood.
Dadkan ayaa waxaa lagu wareejiyay raashin iyo xoolo si ay ugu maareeyaan noloshooda malin laha ah.
Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed laga masuufuriyo dhul Soomaliyeed taas oo ka baxsan dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay in shacabka reer Beledweyne ay gurmad u sameeyan dadkaas danyarta ah ee la soo musaafuriyay,isaga oo hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan waxii ay awoodan la garab istaageen welina ay u heelan yihiin.
Degaannada Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa waxaa kusoo qul qulaya dadkii Somaliland ka soo musaafurisay Hargeysa, kuwaas oo ku wajahan degaannada Koonfur Galbeed.