In ka badan 100 qof oo u dhashay Haiti oo laga tarxiilay Mexico

0
445

Ugu yaraan 100 oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Haiti ayaa laga soo musaafuriyay wadanka Mexico.
Waxaa sidatan laga soo xigtay waaxda arrimaha socdaalka ee dalkaasi.
Tani ayaa qayb ka ah heshiis laga gaaray yareynta tirada soo galootiga ee ku kordhaysa xadka Maraykanka iyo Mexico.
Waxay waaxdu intaasi ku dartay in tarxiilkan loo fuliyay qaab waafaqsan xuquuqul aadanaha iyo is afgaradkii lala yeeshay qunsuliyadda Haiti.
Ilaa 129 qof oo ka mid ah muwaadiniinta dalka Haiti ayaa laga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Tapachula.
Rakaabkan ayaa la socday duulimaadkii labaad tan iyo heshiiskii ay saxiixdeen labada wadan.
Kumannaan ah soo galooti ka yimid Haiti oo aan diiwaangashanayn oo ku noolaa koonfurta America ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay soo gaarayay Mexico iyagoo rajeynaya inay gudaha u galaan Maraykanka.