DHAGEYSO:Barkhad Batuun oo ka hadlay dadka Soomaaliland ay Sool ka barakicisay

0
449

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah golaha wakiilada Soomaaliland sidoo kalena ah afhayeenka xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee Wadani ayaa maanta isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa wuxuu ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee Soomaaliland ay ka soo tarxiishay Magaalada Laascaano ee gobolka Sool.
Xildhibaan Barkhad ayaa sheegay inaysan ku qanacsanyn qaabkii dadkaasi loo tarxiilay ayna ahayd arin damqasho leh isagoo dhanka kale sheegay inay Xukuumada ku garab taagan yihiin sugida amaanka shacabka Soomaaliland.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah golaha wakiilada Soomaaliland sidoo kalena ah afhayeenka xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee Wadani ayaa sheegay inay siyaasad ahaan xukuumada ku kala duwan yihiin basle ay amaanka Soomaaliland iyo ilaalintiisa u siman yihiin.
Barkhad Batuun ayaa tilmaamay inaysan ogolaanayn in wixii dhacay la buunbuuniyo ii la siyaasadeedyo isagoo madaxda Soomaaliland iyo shacabka ugu baaqay inay arimaha iinsaaniayda taabanaya si gaar ah u eegto isagoo markale ku celiyay inaysan ilaalinta amaanka cidna uga haybaysanayn.

 

Dhanka kale Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo warfaafinta Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Saleemaan Cali Koore ayaa ka hadlay dilalka soo laab laabta ee ka dhaca Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo dbibaatooyinka kale oo ay sheegeen inay deegaankaas ka jiraan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay weerar ku tahay Koox argagaxiso ah oo kasoo horjeeda amniga Soomaaliland iyo guud ahaan degaannada Soomaaliya.
Wasiir Kaahin ayaa ugu baaqay Bulshada kunool degaannada Gobolka Sool inay amnigooda ka Shaqeeyaan, isla markaana ay kasoo horjeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga Mamaalada laas-caanood.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Saleemaan Cali Koore ayaa sheegay in magalada laascaanood lagu dilay dad badan oo Haldoor ahaa ayna ka dambeeyaan Al-Shabaab iyo dad lamid ah.
Wasiirada Warfaafinta & Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabad xariga looga jarayay Xarun ay Ciidamada Gurmadka Soomaaliland ku yeelanayaan magaalada laascaanood ee Gobolka Sool.
Sidoo kale Soomaaliland ayaa mudo labo todobaad ah u qabatay dadka ka soo jeeda deegaanada koonfureed ee dalka Soomaaliya inay kaga baxaan gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo.
Agaasimaha hay’ada Socdaalka Soomaaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkaas la siiyay 15 cisho oo ay uga baxayaan ceerigaabo horayna ay u diiwaangaliyeen magacyadooda dadka la saarayo.