Al-Shabaab oo weerartay saldhiga ciidamada Soomaaliya ee degaanka Janaale

0
456

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaaka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Ciida ka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen.
War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadu ay dagaalka ku dileen laba ka mid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kale hub farabadan oo qoryaha AK47 uu ka mid yahay ay ka furteen.
Weerarkaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dolwadda ee degaanka Janaale ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor Ciidamada dowladda oo kaashanaya Maamulka degaanka ay howlgal ka sameeyeen tuulooyin u dhow degaanka.